Shirwaynihii Asbuuca Hal-abuurka Caalamiga ee Garowe

 

S

Xarunta Hormarinta Salaam iyo Ururka shaqo-doon oo kaashanaya wasaarada dhalinyarada, shaqada & shaqaalaha ayaa waxa ay qabteen Shirweyne lagu xusayo asbuuca hal abuurka caalamiga ah taas oo ka dhacdey Magalada Garowe  waxana kasoo qaybgalay in ka badan 400 dhalinyaro ah iyo 100 qof oo kale oo isugu jiray Ganacsato iyo shakhsiyaad ka socday daneeyayaasha arrimaha Dhalinyarada.

Ujeedada shirwaynaha ayaa ahayd sidii dhalinyarada dalku uga wada-hadli lahayd xalka laga gaadhi karo maalgelinta fekradaha ganacsi ee dhalinyarada iyo dhibaatooyinka ay ka mid yihiin Shaqo la’aanta, la-dagaalanka Qabylaadda, Tahriibta iyo Kor-u-qaadista tayada waxbarashada dhalinyarada.

Masuuliyiintii khudbado qiimo badan ka jeediyey waxa ka mid ahaa:

Ugu horayn waxa hadalkii qaatay Mohamed Abdirahman Khalif oo ah madaxa Shaqo-doon Puntland waxa uu xusay shaqooyinka muhiimka ah oo ay dhalinyarada u qabtaan, muhiimada shirwaynahan sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in Dhallinyarada Puntland leeyihiin, una dhasheen karti iyo hal-abuurnimo ganacsi oo mudan in la taageero, lagana faa’iideeyo. Waxa uu talo ahaan soo jeediyey in la abuuro fursado dhaqaale oo dhiiri-galin kara in ay dhallinyarada Puntland iskood u abuuran karaan shaqo.

 

Mohamed Adam Jama oo ka mid ah madaxda sare ee xarunta horumarinta Salaam ayaa dhalinyarada ku booriyey in ay abuurtaan fekrado ganacsi intii ay niyada ku hayn lahaayeen inay cid u shaqeeyaan, waxa uu si gaar ah u faahfaahshey sida ay muhiim u tahay ku shaqaynta xirfadaha gacanta laga qabto sida dayactirka moobeelada, xirida korontada, hagajinta tuubooyinka & dhismaha oo dhamaan si maalinle ah u sameeya lacag ku dhow $80 ilaa $100 hadii ay u shaqeeyaan ilaa sadex macmiil keliya.

Waxa uu ku baaqay in la abuuro hay’ado (Institutions) iyo Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada oo maal-galin siin kara hal-abuurka iyo fikiradaha ganacsi ee dhallinyarada Puntland.

Faysal Ahmed Warsame oo ah Gudoomiyaha Dalada PUNSAA ayaa khudbada lagu soo dhoweeyey, waxa uu la wadaagey khibradiisa iyo sida looga faa’iidaysto xirfadaha la barto isagoo uga sheekeeyey dhalinyrada dad tusaale u noqon kara sidoo kale wuxuu ku baaqay in dhallinyarada Puntland loo fududeeyo shatiyada iyo liisamada ganacsi, sidoo kale la dhimo cashuurtooda marka ay dhallinyaro timaado.

DR. Maxamed Cali faarax wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarashada waxa uu xusey in Puntland aqbashay Qaraarkii Caalamiga ahaa ee khuseeya waxbarashada aasaasiga ah in bilaash laga dhigo waqtiga ugu dhowna oo dhaqaale ku filan la helo la hirgelindoon.

Sidoo kale waxa uu xaqiijiyey in wasaaradu xooga saarto in la isku miisaamo waxbarashada iyo xirfadaha ay bixiyaan Jaamacadaha dalka ku yaal iyo xirfadaha uu u baahan yahay suuqa shaqada ee Puntland, maadaama ay jirto hadda baahi badan oo suuqa shaqadu u qabo xirfado gaar ah.

“Waxan u arkaa in xirfadaha gacanta ay abuuri karaan shaqooyin badan sidas darted waxanu samaynay manaahijtii xirfadaha, siyaasadii lagu maamuli lahaa sidoo kale waxanu qiimayn, dayactir iyo dib u howlgelin ku samaynay Dugsiyadii Farsamada Gacanta ee Dalka” Dr. Mohamed Ali Farah
Sidoo kale waxan ku guulaysanay in Manhajka Puntland dib loo eego, lana xoojiyo si uu u soo saari karo qof muwaadin ah oo aqoon fiican u leh dalkiisa hooyo, sidoo kale leh karti aqooneed oo hufan oo uu ku tartan gali karo gudaha dalka iyo dibadiisaba.
Wasiirka wasaarada Dhalinyarada, shaqada & shaqalaha Puntland  Cabdiraxmaan Shiikh Axmed Cabdule ayaa xusay inay sameeyeeen xukuumad ahaan qaab-qanuuni ah (legal and policy framework) oo keeni kara maal-gashi gudeed iyo mid dibadeed oo hor leh kaasoo horseedi kara horumar dhaqaale.

Waxa uu ku nuuxnuuxsadey muhiimada ay leedahay maalgelinta & shaqaalaysiinta dhalinyarada taas oo ka hortagaysa dhalinyaradu inay tahriibaan, qabyaalada ku mashquulaan iyo inay noqdaan kuwo wax ma tarayaal ah.
Wasiirku wuxu ugu baaqay dhammaan daneeyeyaasha koboca dhaqaale inay gacmaha isqabsadaan, kana wada hawlgalaan sidii dhaqaalaha waddankeedu u kobci lahaa loona abuuri lahaa shaqooyin iyo ganacsiyo hor leh. Sidoo kale waxa uu ku baaqay in lasii libin-laabto dedaalada lagu dhiirigalinayo maalgashiga iyo kobcinta wax-soo-saarka beeraha iyo hormarinta warshadaynta (Agriculture and Industrialization).
Wasiirka waxa uu kasoo qaybgalayaasha ku booriyey in la dhawro xuquuqda fikirka ganacsi ee qofka (Patent), si loo dhiirigaliyo hal-abuurnimada ganacsi ee dhallinyarada Puntland sidoo kalena la abuuro mashruuca waayo-aragnimo iyo khibrad-siinta dhallinyarada ee Puntland (National Internship Program).

Intii uu shirku socday PDRC masuuliyiin ka socdey ayaa soo bandhigay research ka hadlaya caqabada dhalinyarada ka haysta dhinacyo badan iyagoo talobixina siiyey dhalinyarada, dowlada iyo bulshada rayidka ahba.

Abwaan Jama Dheere ayaa isna goobta ka akhriyey geeraaro, gabayo iyo murti dhalinyarada ku dhiirigelinaysa hal abuurka gaar ahaan ka ganacsiga & shaqo abuurka.

Intii uu shirku socdey ayaa waxa iyana kelmado la siiyey, dhalinyaro hal abuur soo bandhigtay, kuwo fekrado horumarin iyo talooyin soo jeedinayey. Hal ku dhiga sanadkan ayaa ahaa “Ha raadinina shaqooyin, idinku abuura shaqooyin Dhalinyaro”

Asbuuca hal-abuurka caalamiga ah waa dabaaldega dadka abuura fekradaha cusub iyo abuurayaasha shaqada kuwaas oo soo bandhiga bilowga fekrado cusub ee khuseeya nolosha, kobcinta/kobaca dhaqaalaha iyo ballaarinta daryeelka aadanaha.

Asbuuca hal-abuurka caalamiga  (GEW) Sanadkasta bisha November waxay dadka ku dhiirrigelisaa meel kasta iyada oo loo marayo maxaliga, qaranka iyo caalamka hawlaha loogu talagalay in ay ka caawiyaan inay sahamiyaan iskood u shaqeystayaal  iyo hal aburayaasha kartidooda. Iyadoo hawlahaas, laga bilaabo tartanno waaweyn, iyo qabashada munaasabo si loo helo kulamo isku xiran, taas oo ka soo qaybgalayaasha iyo xitaa maalgashadayaasha ka dhigaysa kuwo isku xiran kana dhigaysa wada-shaqeeyayaasha mustaqbalka iyaga oo soo bandhigaya fursado cusub iyo fursado xiiso leh.

S
S
S
S
S
S
S
S
S
S
S
S
S
S
S
S
S
S

 

 

Scroll to Top