Dood Cilmiyeed Looga Hadlayo Kor u Qaadida Xirfadaha shaqada oo Garowe Lagu Qabtay-Sawiro/Video.

1

Caasimadda Puntland waxaa lagu qabtay dood-cilmiyeed looga doodayay sidii kor loogu qaadi lahaa xirfadaha shaqada, kaalinta xirfaduhu kaga jiraan horumarka dalka iyo  manaahijta waxbarashada xirfadaha ee dalka ka jira.

Dood cilmiyeedkan oo si wadajir u soo qabanqabiyeen Wasaaradda waxbarashada Puntland iyo Xarunta horumarinta ee Salaam, waxaana ka qaybalay Wasiirka waxbarshada Puntland Abshir Aw-yuusuf ciise, Wasiir K/xigeenka waxbarshada Dr Maxamed Cali faarax, Guddoomiyaha dallada Punsaa Faysal Qaran, Aqoonyahano, Xirfadlayaal iyo dhalinyaro isugu jiray gabdho iyo wiilal.

Intii ay socotay doodu waxaa khudbado ka jeediyay dooda Maxamed Shiino iyo Cabdifitaax Sugule oo ka mid ahaa asaasayaasha xarunta horumarinta Salaam, waxaa kaloo lagu soo bandhigay  taariikhda barashada Xirfadaha kala duwan ee dalka iyo heerarkii ay soo mareen, Xaaladda machadyada lagu barto xirfadaha ee dalka ka jira.

Wasiirka waxbarashadda Puntland Abshir Aw-yuusuf wuxuu ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay barashadda xirfadaha gacanta, waxaa uu sheegay in 70% dhalinyaradu ay shaqo laayihiin, rajo la’aan ay dareemayaan. wuxuu tilmaamay in dalalka aduunka ugu hormarsan maanta ay ku hormareen dhalinyaradooda iyo dadkoo ku horreeya  farsamad gacantu, dhaqaale badanina uu ka soo galo.

Gabagbadii, Dhalinyaradii ka soo qaybgalay Dood-cilmiyeedka waxay su’aalo  ka waydiiyeen Masuuliyiinta wasaaradda waxbarashada  qorshayaashooda la xiriir horumarinta xirfadda gacanta, sababaha dhalinyaradu ayan u danaynayn barashada xirfadaha gacanta iyo caqabadaha, waxay  wasaarada u soo jeediyeen tallooyin. Masuuliyiinta Wasaaradda ayaa ka jawaabay su’aalihii la waydiiyay intoodii badnayd.

Dood-cilmiyeedkan ayaa tii u horraysay ee nooceeda ah oo laga doodo ahmiyadda ay leedahay xirfadaha gacanta iyo kaalinta xirfaduhu kaga jiraan horumarka dalka iyo dadka.

Scroll to Top