Dood Cilmiyeed ku saabsan doorashada Dadban ee Soomaaliya oo lagu qabtay Garowe

Xarunta horumarinta ee Salaama oo kaashanaysay wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare Puntland ayaa maanta jaamacadda PSU ku qabtay Dood cilmiyeed looga hadlayey arimaha Doorashooyinka Dadban Ee Soomaaliya 2016.

Dood cilmiyeen ayaa waxaa ka soo qayb galay aqoon yahano, ardayda jaamacadaha  iyo masuuliyiin ka socotay Dawladda Puntland oo uu hurmuud u ahaa wasiirka waxbarashada Dr, Abshir Yuusuf Ciise.

Doodaan ayaa lagu lafo gurayay arrimo ay kamid yihiin, Soomaalida iyo dimuqraadiyada, tilmaamaha hogaanka wacan ee marxaladaan cusub iyo dowlad wanaaga iyo isla xisaabtanka.

Wasiirka waxbarashada Puntland Dr. Abshir  Yuusuf Ciise ayaa soo dhoweeyay doodaan, isagoo hoosta ka xariiqay in ay laga maarmaan tahay in si cilmiyin ah looga falanqoodo marxalada hadda lagu jiro ee doorashooyinka .

Dr. Cabdi Samad Axmed Jaamac oo kamid ah masuuliyiinta xarunta Salaama ayaa sheegay madashaan inay ugu talo galeen in looga doodo hogaamiyaha leh tilmaamaha wanaagsan iyadoo laga eegayo aragtida cilmiyeed.

“Dadkeenu way ka dharagsan yihiin aragtida siyaasadeed ee xilligaan sidaas daraadeed waxaan go’aansanay inaan doodeena ku saleyno aragtida cilmiyeed ee aan ka aaminsanahay hogaamiyaha leh tilmaamaha wanaagsan,” ayuu yiri Dr.  Cabdisamad Axmed Jaamac.

Aqoonyahanadii madasha ka hadlay ayaa jeediyay mowduucyo muhiim ah oo ka hadlayay Soomaalida iyo dimuqraadiyada, tilmaamaha hogaamiyaha wanaagsan iyo maamulka wanaagsan iyo isla xisaabtanka.

Daawo Sawiradda.

14600980_938890449545519_6213995461195572644_n 15355699_938890252878872_4446113138904586830_n 15492172_938889979545566_862772751203841746_n 15492374_938890469545517_2549339328489245539_n 15541450_938890199545544_2386556167589988823_n 15541489_938890316212199_3744368559372008153_n 15541960_938889972878900_1265498462222688670_n-1 15541960_938889972878900_1265498462222688670_n 15578591_938890606212170_281084268887302933_n 15578651_938890302878867_4611104016869073621_n 15589638_938890086212222_9063118700174395754_n 15590355_938890392878858_1817301630170159286_n 15590501_938890632878834_3636024381046856028_n 15621922_938890612878836_1564707290782344606_n 15622077_938890402878857_3624227666534276517_n 15622149_938890496212181_1639296928104341264_n 15622166_938890362878861_6737671980055246271_n 15622612_938889969545567_5521395508380090120_n 15622674_938890076212223_158942578759198051_n

Scroll to Top