kulanka todobaadka waaa Diinta iyo waxay ka qabto in la dilo qof sooman

Barnaamijka kulanka todobaadka ee ka baxa Radio Muqdisho iyo SNTV ayaa todobaadkan waxaa marti ku ahaa wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Jeneraal C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo gudoomiyaha hey’adda culumada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo labaduba tilmaamay in diinta islaamku aysan ogoleyn dilka dadka Soomaaliyeed ee soomaan.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad gudoomiyaha hey’adda culumada Soomaaliyeed ayaa ku dheeraaday ka hadalka waxa ay diinta islaamku ka qabto in dhiigga muslimiinta loo daadiyo si xaq darro ah, wuxuuna falalka shabaab ku tilmaamay kuwo ka fog diinta Islaamka iyo dhaqanka suubban ee Soomaalida.

Wuxuu tilmaamay in maleeshiyaadka Shabaab ay dadka ku dilayaan masaajidda xilli  lagu guda jiro bisha Ramadan oo loo baahanyahay in la badiyo cibaadada Alle, isagoo kula dardaarmay Shabaab ineysan dadka muslimiinta ah ka horjoogsan cibaadada Alle.

Scroll to Top